Daawo Video: Xaalado Cusub oo Covid-19 ah oo DFS diiwaangelisay
05 May 2020 (Puntlandes) Wasaaradda caafimaadka DFS ayaa sheegaty xaalado cusub oo Covid-19 ah laga diiwaangeliyey gobalka Banaadir, Jubaland, Koonfur Galbeed iyo Puntland.
Wasiirka Caafimaadka Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee Covid-19 waxay ku caddeysay in 79 xaalado cusub oo la diiwaan geliyay ay ku kala suganyihiin gobalka Banaadir (38) Jubaland (22) Koonfur Galbeed (11) iyo Puntland (8).
14 qof ayaa ka bogsootay cudurka 3 bukaanna way u geeriyoodeen. 62 kamid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag 17-nna waa haween.
Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan gelisay ayaa gaartay 835 waxaa bogsootay 75 Ruux. 38 ruux oo kale ayaa u geeriyooday.
Wasiirka ayaa ugu baaqday mawaadiniinta Soomaaliyeed in aysan qarsan Cudurka oo ay tagaan xarumaha lagu daweeyo si ay isu baaraan hadii ay isku arkaan astaamaha cudurka lagu garto.
Puntlandes.com