Sawirro: Madaxweynaha Jubaland oo saxiixay buugga Tacsida Wasiirkii wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jubaland

5a9a1

07 May 2020 (Puntlandes) Madaxweynaha Jubaland  Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa galabta oo Khamiis ah saxiixay buugga Tacsida Wasiirkii wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jubaland Allah ha u Naxariistee Macalin Maxamed Ibraahim Maxamuud.

Buugga Tacsida Wasiirka ayaa yaala Xarunta wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare iyadoo Masuuliyiinta Dowladda, dad caan ah iyo dadweyne kala duwan ay ilaa hada Saxiixeen.

Axmed Madoobe ayaa xalay ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroordiiq ah oo loo samaynaayo geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Wasiir Macalin Maxamed Ibraahim.


Puntlandes.com

About The Author