Dhagayso: Guddiga Gurmadka kahortaga fatahaadda wabiga ee Beledweyne oo beeniyey inay wax taageero ah ka heleen DFS

5a9a4

Guddiga Gurmadka magaalada Beledweyne ayaa wada dadaalo xoogan oo ay ku doonayaan inay ka hortagaan in sanadkaan Wabigu ku fataho magaalada.

Sawirka kore waa fatahaadii Beledweyne ee sanadkii hore

Sanadkii hore ayaa waxay fatahaadu abuurtay barokac iyo burbur hantiyeen, iyadoo ay u gurmadeen shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan dalka gudihiisa iyo dibadiisaba.
Dawladda Fedraalka ayaa sanadkii hore waxay yamagaalada ku boohday sida gudigu caddeeyeen lacag dhan $500.000 (shan boqol oo kun oo doolar), ilaa haddana lagama hayo lacagtaas.

Guddiga oo la hadlay idaacadda VOA ayaa beeniyay in howsha socota iminka ay kaalin ku leedahay dowladda federaalka, marka laga reebo 500 oo jawaannada ciidda lagu shubo ah oo shalay ay dowladdu diyaarad ku gaysay magaalada Beledweyne.

Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka Beledweyne Xaaji Cismaan Dhagaxow oo ay VOA waydiisay waxa ay ka codsanayaan Dawladda Federaalka, hay’addaha arimahaan ku shaqada leh, beesha caalamka, maamulka Hirshabeelle iyo dadka samofalayaasha Soomaaliyeed ayaa sheegay inay reer Beledweyne leeyaahiin walaal badan.

Gudoomiye Xaaji Cismaan ayaa yri ”walaal badan ayey reer Beledweyne leeyihiin oo aanan abaalkooda gudi karin..waa soomalida usoo gurmatay oo Ganacsato leh, oo kasoo gurmaday Somaliland, Puntland, Jubaland, walaalaha qurbojoogta ah ayaa lacag soo ururiyey, Kililka 5aad ayaa laga keenay, Nairobi ayaa laga keenay, intaasi waa Soomaali damqatay, cid kale oo aan soomaalidaa ahayn oo wax ku sheegan kartaa ma jirto, hay’adaghaan aad sheegtay anagu ma naqaan, waxyaalo ay keenaan way jiraano Jawaan ciid la isaga dhigayo, jirigaano faaruq ah, katiifad yar ah iyo ….soomaalidu waxay tiraahdaa ninkii fadhigaaga arka looma sare joogsado, ninkii asagoo sanadkii hore oo dhibaatadii aad ogayd nagu dhacday $500.000 oy balanqaadeen bixin waayey, maanta waxaan ka sugaynaa maxay tahay, waa ma jirto ayaan dhihi karnaa”

Dhagayso waraysi oo banaanka keenay DFS inay shaqadeedii gabtay

Halkana ka dhagayso Wasiirka Boostada iyo is-gaarsiinta dowladda Soomaaliya, Cabdi Cashuur Xasan oo VOA siiyey warbixin aan xaqiiqda ku saabsanayn

Puntlandes.com

 

About The Author