“ISBAHAYSIGA AXSAABTA SOOMAALIDA” OO MAANTA LOOGA DHAWAAQAY ADDISS ABABA.
08 May 2020 (Puntlandes) Waxaa maanta 8/5/2020 shir isugu yimid magaalada Addis Ababa 6 xisbi siyaasadeed oo kala ah:
- UDFP
- ONLF
- USP
- Diilwabi
- Dubo & Digeni oo soo wakiishay Diilwabi.
- SARDA
Waxayna soo saareen lixdaas xisbi Go,aamadan soo socda:
- Waxaa la sameeyay “Isbahaysiga Xisbiyada Somalida” Alliance of Somali Partys (ASP).
- Waxaa lagu heshiiyay inuu Isbahaysigani noqdo madal looga tashado Danta Dalka iyo Dadka.
- Waxaa la sameeyay Gudi farsamo oo soo diyaarisa Xeer hoosaadka iyo Barnaamijka siyaasadeed ee Isbahaysiga.
- Waxaa la isla qaatay inuu balanka soo socda noqdo 2/6/2020 Kana dhoco magaalada Jigjiga.
- Wuxuu isbahaysigu soo saaray baaqyo ku aadan ka hortagista Colaadaha Bulshada dhaxdeeda ah iyo Fataahadaha wabiga iyo Caabuqa Corona virus.
Puntlandes.com
