Sawirro: Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland iyo wakiilo ka socda 17 ka Urur Siyaasadeed oo shir muuqaaleed yeeshay

5b1a4a

10 May 2020 (Puntlandes) Saaka waxaa shir muuqaal ah yeeshay Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland iyo wakiilo ka socda 17 ka Urur Siyaasadeed.
Ujeedka Kulanka ayaa ahaa sidii la iskaga xog waraysan lahaa hawlaha socda ee Gudddiga iyo Ururaduba ay waddaan iyo saamanta hawlahaas uu ku leeyahay xanuunka COVID19.

Muddadii kulanku socday waxaa si gaar ah looga hadlay dhamaystirka shuruudaha isdiiwaangelinta Ururada ee wajiga labaad, dib-u-eegista Xeerarka oo bilowday iyo guudmar Guddigu ku sameeyay qaybaha ugu muhiimsan ee uu ka kooban yahay sharciga Ururada Siyaasadda Puntland, si Ururadu u ogaadaan waxyaalaha u bannaan, xuquuqdooda iyo waxyaalaha ka reeban.

Guddigu wuxuu ugu dambayn ka jawaabay su’aalo badan oo ay Ururadu waydiiyeen, su’aalaha soo noqnoqday iyo jawaabahooda dhowaan ayuu Guddigu la wadaagi doonaa bulshada si dadweynuhu fahan buuxa ugu yeeshaan hawlaha hirgalinta hannaanka xisbiyada badan ee Puntland.


Puntlandes.com

About The Author