Puntland oo sheegtay inay qabatay madaxii Daacish ee gobolka Bari u qaabilsanaa dilalka iyo qaraxyada

5b1a3

09 May 2020 (Puntlandes) Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidanka PSF ee magaalada Bosaso ayaa lagu sheegay in hawlgalkaasi lagu dilay xubin ka tirsanaa Daacish, islamarkaana nolosha lagu qabtay isagoo dhaawac ah madaxii Daacish u qaabilsanaa dilalka iyo qaraxyada gobolka Bari, inkastoo aysan magaciisa shaaacin.

qoraal PSF  ayaa lagu yiri “Intii hawlgalku socday,waxay ciidanka PSF dileen xubin ka tirsan Amniyaatka Daacish,waxayna dhaawac u geysteen nololna ku soo qabteen sarkaal sare oo ka tirsan Amniyaatka cadowga Daacish,kaas oo ahaa madaxii dilalka iyo qaraxyada u qaabilsanaa cadowga Daacish ee gobolka Bari,kaas oo ay xogtiisa ciidanku ku raad-joogeen.”

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay, in ciidanku hawlgalkaasi ku qabteen gaari miinaysan, oo ay wateen xubnaha Daacish, kaasi oo ay ka buuxeen  hub iyo qaraxyo la doonayay in waxyeello loogu gaysto shacabka Bosaso.

Waxaana la qoraalka lagu sii daray “Sidoo kale, intii hawlgalku socday waxay ciidanka PSF fashiliyeen oo ay soo qabteen qarax cadowgu gaari ku soo xireen oo ay doonayeen in ay ku waxyeelaan shacabka magaalada Bosaso.”

Dhinaca kale, weerarka waxa ku dhintay hal askari oo ka tirsanaa ciidanka PSF, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ciidan, inkastoo PSF aysan qoraalkeeda ku xusin khasaaraah dhankooda gaaray.

Puntlandes.com

About The Author