Jabuuti oo sheegtay inay 7 bil kahor bixiyeen lacagta gurmadka Beledweyne
11 May 2020 (Puntlandes) Safiirka Dowladda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Aadan Xasan Aadan (Belello) oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in 7 bilood ka hor ay bixiyeen lacagta $600,000 ee ay ugu tala galeen fatahaada Beledweyne, isagoo xusay in iyagu aanay faraha la galeynin maamulka gudaha Soomaaliya, iyo sidii kaalmadaasi loo maareynayay.
Waxaa uu sheegay in lacagtaas ay sanadkii 2019 gacanta u geliyeen Guddigii dowladda Soomaaliya u magacawday Musiibooyinka oo uu hoggaaminayay Wasiirka Gargaarka iyo Musibooyinka Xamza.
Guddiga Gurmadka Beleweyne ayaa 7-dii bishan VOA u sheegay in lacag gaareysa $600,000 oo ay dowladdu Jabuuti ugu deeqday dadka ay fatahaaduhu saameeyeen aanay iyagu soo gaarin.
Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa shalay sheegay inay soo gaartay lacagtii $600,000 ee dowladda Jabuuti iyo lacagtii $500,000 ee dowladda Federaalka ku deeqday.
Puntlandes.com