Sawirro: Madaxweyne Axmed Madoobe oo ka qayb galay aaska AUN wasiirkii waxbarashada Jubaland

5b2a2

10 May 2020 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo boqolaal dadweynaha reer Jubaland oo madax iyo shacab iskugu jira ayaa garoonka diyaaradaha Kismayo oo laga soo dajiyay Meydka Alle ha u Naxariistee Wasiirkii Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jubbaland Macalin Maxamed Ibraahim ku sugayay mudo saacado ah waxaana markii Meydka la keenay diyaarada ka dajiyay Cutubyo katirsan Ciidamada qalabka sida ee Dowlad Goboleedka Jubaland.

Sidoo kale waxaa Diyaarada waday meydka Alle ha u Naxariistee wasiirka la socday qaar kamid ah eheladiisa iyo xildhibaano katirsan Dowlada Federaalka ah iyo xubno kale kuwaas oo Magaalada Kismayo u yimid sidii aaska Wasiirka ay uga qaybgali lahayeen.

Meydka ayaa la geeyay qubuuraha ku yaala duleedka Magaalada Kismayo halkaas oo salaada janaasada ah lagu tukaday iyadoo Saalada ay kasoo qaybgaleen boqolaal dadweyne kala duwan ah.

Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa dadaal badan ku bixisay sidii meydka wasiirka loogu Aasi lahaa loona keeni lahaa Magaalada Kismayo ee Caasimada KMG ah ee Jubaland.

 


Puntlandes.com

About The Author