Sawirro: Wasiirka Maaliyadda Puntland oo kormeer shaqo ku tegay Kastamka Cashuuraha Wasaaradda Maaliyadda Dekedda Bosaso
13 May 2020 (Puntlandes) Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Ahna Gudoomiyaha gudiga dib uhabaynta Ciidammada Mudane Xasan Shire Cabdi oo hawlo shaqo u jooga boosaaso ayaa kormeer shaqo ku tegay Kastamka Cashuuraha Wasaaradda Maaliyadda Dekedda Boosaaso.
Kormeerkan shaqo Wasiirku ku tegay Kastamka Dekedda Boosaaso waxaa ku weheliyay masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda,
Maamulaha furdada boosaaso Maxamed Yuusuf ayaa Wasiirka xog-dheeraad ah ka siiyay hab usocodka shaqada iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee ka hawl gala halkaasi.
Xasan Shire Cabdi Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland ahna Gudoomiyaha gudiga dib uhabaynta ayaa sidoo kale kormeer shaqo ku tegay xarunta wayn ee Wasaaradda Maaliyadda ku leedahay boosaaso
Wasiirka ayaa madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda kala hadlay kobcinta dakhliga iyo in ay mujiyaan dadaal dheeri oo ku aadan dhanka shaqada.
Sidoo kale Wasiirku waxa uu shaqaalaha iyo madaxda Wasaaradda ku wacyigaliyay in feejiganaan Dheeri ah laga muu jiyo Cudurka (Corona Virus) nadaafadana lagu dadaalo.















