Sawirro: Ciidamada PSF oo hawlgal ay Bosaso ka sameeyeen ku soo qabtay waxyaalaha qaraxa
13 May 2020 (Puntlandes) Hawlgal gaar ah oo ay ciidamada PSF ka sameeyeen gudaha magaalada Bosaso ayaa waxay ku soo qabteen qaraxyo kala duwan oo ay kooxda Daacish ku diyaariyeen guryo ku yaal magaalada Bosaso si ay ugu dhibaateeyaan shacabka magaalada.
Qaraxyadan ay ciidamada PSF fashiliyeen ayaa waxay koobnaayeen qaraxyada dhulka la geliyo iyo suumanka qaraxa ee naftood hurayaashu isku qarxiyaan.
Hawlgalkan ay ciidamadu fuliyeen ayaa daba-socday hawlgalkii sagaalkii bishan ay ciidanka PSF ka sameeyeen Bosaso oo lagu diley xubin muhiim ah ka tirsanaa Daacish sidoo kalena lagu soo qabtay madaxii Amniyaatka Daacish ee gobolka Bari iyo 2 gaari oo qaraxyo lagu soo xiray.
Ciidamada ayaa waxaa kale oo ay hawlgalkaan ku soo qabteen 3 maxbuus oo ah argagixisadii qaraxyadaas maleegayey.



