Sawirro: Dowladda Soomaaliya oo diyaarado ku buufinaysa Ayaxa
14 May 2020 (Puntlandes) Wasaaradda Beeraha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta la wareegtay labo diyaaradood oo qumaatiga u kaca ee Helicopters, kaasoo ay ku deeqday Hay’adda FOA.
Diyaaradahan ayaa loogu tala galay in looga qeyb qaato howlgal Hawada looga buuxinayo Ayaxa, kaasoo muddooyinkii u dambeeyay fara ba’an ku hayay Gobolada dalka Soomaaliya.
Mashruucan ayaa waxaa maalgelinaya Hey’adda FAO iyo USAID, waxaana diyaaradahan ay ka howlgeli doonaan Somaliland, Puntland, Galmudug oo ay dhinaca hawada ka buufin doonaan.
Munaasabad kooban oo ka dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Beeraha Saciid Xuseen Ciid iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed C/llaahi Oomaar.


