Sawirro: Puntland oo bilowday inay Diyaarado ku buufinaysa Ayaxa

19 May 2020 (Puntlandes) Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada DPL iyadoo adeegsanaysa Diyaaradaha qumaatiga u kaca oo Adeegsanaya dawada lagu caabiyo Ayaxa ayaa waxa ay gobolada kaladuwan ee Puntland ka wadaa Buufinta iyo caabinta Ayaxa waxaana ay diyaaradahani qayb ka yihiin dadaalka ay dawlada Puntland ugu jirto la tacaalida iyo la dagaalanka Ayaxa oo ku habsaday qaybo badan oo kamid ah gobolada Puntland.

Diyaaradahan Holicoptarrada ah ayaa Buufinta iyo Caabinta Ayaxa maalmihii lasoo dhaafay ka sameeyey Deegaano hoostaga degmooyinka Garoowe, Gadobjiiraan, Taleex, Boocame iyo Qardho kuwaas oo horey uu dooxooyin iyo Dhulbeereedka deegaanadaas ugu habsaday Ayaxu, sidoo kalena Waxay wasaaraddu wadaa Dadal kusaabsan uruurinta xogaha iyo xaaladaha kaladuwan ee Ayaxa deegaanada kale ee aanan laga samayn howlgalkaan iyadoo dhamaan gobolada Puntland laga fulin doono buufinta Ayaxa ku habsaday.

Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimiladu waxay dadaal wayn ugu jirtaa sidii loo caabin lahaa islamarkaasna loo hakin lahaa saamaynta Ayaxu uu ku hayo meelo badan oo kamid ah dhulka Puntland.


Puntlandes.com

About The Author