Sawirro: Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kala saxiiday mashruuc lagu caawinayo dadka danyarta ah

19 May 2020 (Puntlandes) Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Sadik Warfa iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimadda Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta si wadajir ah u saxiixay mashruuc lagu caawinayo dadka danyarta ah ee nugul, oo wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ay maanta ku wareejisay gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobobalka Banaadir Cumar Filish ayaa munaasabadda saxiixa mashruuca oo ka dhacday xafiiska Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada , wuxuu ka sheegay in mashruucan wasaaradda ku wareejisay ay gaarsiin doonaan dadkii loogu talagalay, wuxuuna ka mahadceliyay dadaallada wasaaradda ee lagu taageerayo muwaadiniinta nugul iyo kuwa danyarta ah ee dhammaan gobollada dalka.
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ,Mudane Sadik Warfa ayaa sheegay mashruucan inuu billow u yahay mashaariic ay wasaaradda gaarsiinayso gobolka Banaadir iyo dadaallada wasaaradda ay ku dhimeyso saboolnimada.


Puntlandes.com

About The Author