Maxkamada Caddaalada Caalamiga oo markale dib u dhigtey dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya

19 May 2020 (Puntlandes) Maxkamada Caddaalada Caalamiga ah ee ICJ ayaa ku dhowaaqday in markale ay dib u dhigtay dhagaysiga dacwadda badda ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Qoraal ka soo baxay xarunta maxkamada ee magaalada Hague ayaa lagu shaaciyay sababta dib loogu dhigey dhagaysiga dacwaddan oo hore dhowr jeer dib loogu dhigey.

Maxkamada ayaa sidoo kale waxa ay u dirtey qoraalo dowladaha Soomaaliya iyo Kenya iyadoo ku macneysay sababaha dib loogu dhigey inay tahay cudurka Coronavirus.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Dhagaysiga dacwada waxaa dib loogu dhigey sababo la xiriira cudurka Coronavirus waxaana maxkamada ay dhagaysan doontaa 15-ka bisha March 2021ka.”

Maxkamada ayaa hore dhowr jeer dib u dhigtey dacwadan codsiyo ka yimid dowlada Kenya awgeed,  waxaana toddobaadkii hore dowlada Kenya ka codsatay in dib loo dhigo dacwadan.

Dawladda Federaalka ayaa sheegtay in aysan raali ka ahayn in markale dib loo dhigo dacwada balse waxaa iminka cadaatay in ay dawladdu raali ka ahayd codsiga Kenya sidii dhacday mararkii hore maxaa yeelay maxkamadu go’aan kuma qaatato mana tixgeliso codsi hal dhinac ah.

Hoos ka akhriso waqtiyadii ogolaanshaha dawladda Federaalka dib loo dhigay dacwada

9da bisha September 2019

6dii bisha September 2019 labo bilood ayaa dib loo dhigay

17 ka bisha Oktober  2019 sideed bilood ayaa dib loo dhigay

8da bisha June ee sanadka 2020 ayaa loo balansanaa

15ka bisha March 2021ka mudada cusub

 

 

Jadwalka cusub ee dacwadda

Dhageysiga dacwada ayaa billaabanayaa bisha March, 2021-ka, waxaana la wadi doonaa ilaa 4 maalmood.

Isniin, 15 March, (10:00 am – 01:00 pm): Furitaanka doodda afka ah ee dhinaca Soomaaliya, wareeggeeda koowaad.

03:00 pm – 04:30 pm: Sii waditaanka doodda afka ah ee dhinaca Soomaaliya, wareeggeeda koowaad.

Arbaco, 17 March, ((10:00 am – 01:00 pm): Furitaanka doodda afka ah ee dhinaca Kenya, wareeggeeda koowaad.

03:00 pm – 04:30 pm: Sii waditaanka doodda afka ah ee dhinaca Kenya, wareeggeeda koowaad.

Khamiis, 18 March, (03:00 pm – 06:00 pm): Doodda afka ah ee dhinaca Soomaaliya, wareeggeeda labaad.

Jimce, 19 March, (03:00 pm – 06:00 pm): Doodda afka ah ee dhinaca Kenya, wareeggeeda labaad.

Puntlandes.com

About The Author