Xisbiyada mucaaradka oo soo saaray qoraal ka dhan ah ciidanka Itoobiya, dalbadayna…

20 May 2020 (Puntlandes) Qoraal kasoo baxay xisbiyada mucaaradka Soomaaliya oo loo diray baarlamanka Soomaaliya, lalana socod siiyey ururada caalamiga ah iyo dalal dhowr ah, ayaa wlaaac looga muujiyey joogitaanka ciidamada Itoobiya ee aan ka midka ahayn Amisom ee Soomaaliya.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in joogitaanka ciidamada Itoobiya ay xadgudub ku tahay heshiiska Soomaaliya iyo Amisom ee qeexaya baaxadda howlgalka Amisom ee Soomaaliya.

Xisbiyada mucaaradka ayaa qoraalka ku sheegay inay aad uga naxeen dhacdadii 4-tii May ay ciidamada Itoobiya kusoo rideen diyaarad shacab ah, oo ku degi lahayd garoonka diyaaradaha Bardaale ee gooblka Bay iyo jawaabta jees-jeeska ah ee ay Itoobiyaanka ka bixiyeen dhacdadan.

Waxay sidoo kale sheegeen in ciidamada Itoobiya ay sanadihii dhowaa faro-gelin toos ah ku hayeen arrimaha siyaasadda gudaha Soomaaliya, ayaga oo ujeedkoodu yahay in doorashooyinka gobollada ay dhan kale u weeciyeen.

Xisbiyada ayaa sidoo kale sheegay in ciidamo itoobiyaan ah oo hubeysan ay ku sugan yihiin gobolka Gedo, ayaga oo wada howl-gal lagu kala dhantaalayo, islamarkaana xasilooni darro looga abuurayo maamulka Jubaland, kadib markii ay ku guul-darreysteen in doorashadii Jubaland ay u weeciyaan dhankii ay rabtay dowladda federaalka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in arrimahan oo dhan ujeedka kama dambeysta ah ee laga leeyahay uu yahay in lagu faro-geliyo doorashada federaalka ee sanadkan dhaceysa.

“Xadgudubyada la iska indho-tiray ay ciidamada Itoobiya ku hayaan madax-banaanida iyo sharafta dhuleed ee Soomaaliya waxaa qeyb ahaan mas’uul ka ah guul-darrada wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Francisco Madeira, kaasi oo laga rabay inuu xaqiijiyo in sumcadda Amisom aysan waxyeeleyn damac juqraafi siyaasadeed ee xubin ka mid ah,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa ugu dambeyn ku baaqay in baarlamanka Soomaaliya ay baaraan dhacdadii lagu soo riday diyaaradda.

Sidoo kale, ururka Midowga Afrika ayaa looga codsaday inay baaraan joogitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya oo sumcad darro ku ah Amisom, iyo in guddoomiyaha Midowga Afrikca uu beddelo wakiilkiisa Soomaaliya.

Qoraalka ayaa Golaha Ammaanka QM ka dalbaday baaritaan ku saabsan joogitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya oo xadgudub ku ah qaraarka 733 ee 1992-kii, kaasi oo Soomaaliya kusoo rogay cunaqabateyn hub.

Akhriso qoraalka


Puntlandes.com

About The Author