Sawirro: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland iyo wafti uu hogaaminayo oo socdaal Nabadayn ah ku tagay Deeganka Teerage ee Galbeedka Gaalkacyo

Teerage 20 May 2020: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Faderalka iyo Dimuqradiyeynta DPL Maxamed Dhabancad, iyo wafti uu hogaaminayo oo socdaal Nabaddeed ku tagay Deeganka Teerage ee Galbeedka Magaalada Gaalkacyo.

Kadib dagaalkii ka dhacay deegaankaTeerage ee Galbeedka Magaalada Gaalkacyo, waxaa maantay shir xabad joojin ah isugu yimaadey Madax DPL iyo GM, waxaana Waftiga Galmudug Hogaaminayey Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdid, iyo Masuuliyiin iyo xildhibaano kawada tirsan Dowladda Puntland iyo Feederaalka, waxagaradka iyo nabaddoonada labada dhinac, ururadda dhalinyada PL iyo GM, Shirkaan oo ka dhacay gudaha Teerage, waxaana looga wada hadlay

1. Xabad joojin deg deg ah oo ka hirgasha deegaanka Teerage ee Galbeedka Galkayo

2. Waxaa kaloo la qabtay Guddi hubinaya hirgalinta xabad joojinta iyo diyaarinta gogol nabadeed

3. Waxaa kaloo lagu heshiiyey in si deg deg dib loo bilaabo wada hadalada nabadeynta Gobolka Mududg

Odoyaasha, Waxgaradka iyo Nabbadoonada labada Dhinac ee Puntland iyo Galmudug oo madasha ka hadlay ayaa soodhaweeyey aqbalayna in xabad joojintaasi qaybtood ka qaadan doonaan.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL mudane Maxamed Dhabancad oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in Dowladda Puntland ay la shaqeyn Doonto Guddiyada hubinaya hirgalinta xabad joojinta iyo diyaarinta gogosha nabbadeed ee laisla qaatay, isagoona sheegay in DPL diyaar u tahay inay nabadda ka shaqayso, sidoo kale Wasiir Dhabancad wuxuu bogaadiyey dadaalkii nabadeynta Gobolka Mudug, isagoona u mahad celiyey dhamaan intii ka soo shaqaysay nabadda Gobalka Mudug.


Puntlandes.com

About The Author