Jubbaland oo ku dhowaaqay in berri oo sabti ah ay tahay Ciid

22 May 2020 (Puntlandes) Wasaarada Owqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa shaacisay in laga arkay bisha Shawaal deegaano ka tirsan Jubbaland sidaa dartedna ay tahay berri oo sabti ah 23ka bisha May 2020 maalinta koowaad ee Ciidul Fitriga.

Agaasimaha Waaxda Diinta iyo Owqaafta ee Maamulka Jubbaland Cabdullaahi Maxamed Cali ayaa sheegay in bisha Shawaal laga arkay deegaanka Buulo Xaaji iyo deegaanka Xanyo oo ka tirsan degmada Afmadow.

Hase yeeshee Maamulka Jubbaland ayaan ka talin inta badan degmooyinka uu ka kooban yahay maamulka waxaana gobolka Gedo ka jira maamul taageersan dowlada federalka.

Waxaa soo baxay khilaaf dhinaca dhalashada bisha Shawaal iyadoo dowlada federalka ay shaacisay in berri ay tahay 30ka bisha Ramadaan halka Ururka Alshabaab deegaanada uu maamulo laga ciidayo  berri oo Sabti ah.

About The Author