Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday in maalinta berri ay tahay Maalin Ciid ah

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya Sheekh Nuur Maxamed Xasan ayaa goor dhow iclaamiyay in maalinta berri oo Sabti ah ay tahay maalin Ciid ah, maalinta koowaad ee Bisha Shawaal.

Wasiirka oo ka hadlayay Telefishinka Qaranka ayaa sheegay berri ay tahay maalin Ciid ah, isla markaana bisha laga arkay qeybo ka mid ah gobolada dalka iyo magaalada Muqdisho.

Goor sii horeysay Wasiirka ayaa qoraal uu bartiisa Facebook ku soo qoray ku shaaciyay in maalinta berri aysan aheyn maalin Ciid ah, sidaas darteed la kaamilayo 30-ka bisha Ramadaan.

Intaas kaddib ayaa waxaa caawa fiidkii la shaaciyay in Bisha laga arkay deegaano ka tirsan Jubbooyinka, Baay, Shabeellaha Dhexe iyo Gedo.

Al-Shabaab oo maamusha qeybo ka mid ah gobolada dalka ayaa durba ku dhawaaqday in maalinta berri ay tahay maalin Ciid ah.

Sidoo kale Maamulka Jubbaland ayaa icmaaliyay in maalinta berri ay tahay Ciid, isla markaana laga arkay bisha Shawaal deegaano ka tirsan degmada Afgooye.

About The Author