Daawo Madaxweynaha Puntland oo sheegay in Alshabaab ay adeegsanayaan gacmo kale

23 May 2020 (Puntlandes) Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ku eedeeyay Alshabaab inay adeegsanayaan gacmo kale oo doonaya in ay burburiyaan hanaanka dowladnimadda Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa yiri “Tuhun badan ayaa qabnaa oo ku aadan in Al-Shabaab ay noqdeen gacmo la iska adeegsado,gacmo kale iyo dano ayaa loo adeegsanaya sidda horay Jariidaha Caalamka u sheegeen in Muddo ka yar labo bilood la beegsado labo Gudoomiye gobol oo Puntland ah tuhun ayaan ka qabnaa baaritaanana waan wadnaa”



Madaxweyne Deni ayaa sheegay in dowladda federaalka ay wado ama ka shaqaynayso duminta Puntland, iyadoo hareer martay dawladda Puntland baabi’inaysana habka fedraalka ee Soomaalidu ku heshiisay.

Dhanka kale Deni ayaa shaki geliyay in hoobiyaasha lagu rido Xarunta Xalane ay ka dambeeyaan ururka Alshabaab,isagoo sheegay in marka mowqif adag ay beesha caalamka ka istaagaan arrimaha Soomaaliya hoobiyaasha lagu rido xarunta Xalane.


Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa ka hadlay deeqaha ay Beesha caalamku ku taageerto Soomaaliya oo ayasan Puntland ka helin qaybteeda gaar ahaan dhanka amniga.

Puntlandes.com

About The Author