Wasiir Gama’diid oo geeriyooday

25 May 2020 (Puntlandes) Alle ha u naxariistee, waa saaka magaalada Muqdisho ku geeriyooday Wasiirkii Degaanka, Beeraha iyo Isbeddelka Cimilada Puntland Dr. Ismaaciil Diiriye Gama’diid.

Marxuumka oo kamid ahaa dadkii laga helay xanuunka COVID-19, ayaa la xaqiijiyay in uu ka bogsaday, balse xanuunkaasi dhaawac kaga reebay Habdhiska Neef-mareenka, gaar ahaanna Sambabada, taasi oo keentay in neefsigu ku adkaado.



Wasiirka ayaa maalmo ka hor loo qaaday magaalada Muqdisho, halkaas oo uu saaka ku geeriyooday, AUN Dr. Ismaaciil Diiriye Gama’diid, waxaa  wasiirka Degaanka, Beeraha iyo Isbeddelka Cimilada Puntland loo magacaabay 10 February 2019, waxaana uu xilkaasi hayay mudda sannad iyo lix bilood ah.

About The Author