Sawirro: Madaxweynaha Jubaland iyo Masuuliyiin kala duwan oo qado sharaf loogu sameeyay deegaanka Goobweyn

24 May 2020 (Puntlandes) Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Masuuliyiin kala duwan oo uu kamid yahay Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig iyo qaar kamid ah Masuuliyiinta labada gole ee Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa Maanta qado sharaf loogu sameeyay deegaanka Goobweyn ee Gobolka Jubbada Hoose.




Sidoo kale inta uu Axmed Madoobe halkaas ku sugnaa waxaa uu la kulmay qaar kamid ah Bulshada ku nool deegaankan isagoo u kuur galayay sida ay u socdaan howlaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ay ka wado halkan gaar ahaan dhinacyada Nabadgalyada iyo Hormarka.









Puntlandes.com

About The Author