BOGAADIN SHAQADA UU WASIIR FIQI KA WADO GAALKACYO IYO DHIIRIGELIN WADASHAQAYN DHEXMARTA PUNTLAND IYO GALMUDUG

Dawlada Soomaaliyeed ee Galmudug ama Galmudug-ta cusub ee uu madaxweynaha ka yahay madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor qoor) waxay ku talaabsatay mudadii yarayd ee ay jirtay guulo siyaasadeed iyo mid maamul, waana ku bogaadinayaa.
Goboka Mudug ee Soomaaliya wuxuu iminka ka kala tirsan yahay Puntland iyo Galmudug, wuxuuna hoy u ahaa colaad iyo is aaminaad la’aan ka djhaxaysa labada shacab ee walaalaha ah.




Kala fogaanshaha shacabka Mudug waxaa abuuray dawladii kacaanka oo dan moodaysay inay xukunka ku joogta kala qaybinta iyo iska horkeenka ummadda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Allah ka dhigay deriska iyo ood wadaagta.
Waxay ahaayeen shacabka gobolku dadkii dhaliyey xornimada Soomaaliyeed, waxay ahaayeen shacab soomaalinimo iyo deris ka sokow ah wiil iyo abtigiis.
Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo isagoo xildhibaan Federaal ah u soo gurmaday Galmudug wuxuu iminka ka hayaa magaalada Gaalkacyo qaybta Galmudug shaqo aad u fiican oo ah ka shaqaynta amniga iyo kala dambaynta magaalada Gaalkacyo oo u qaybsan labada maamul.
• Wasiirku wuxuu qaaday Isbaarooyinkii yaalay baraha laga soo galo magaalada qaybta Galmudug, isagoo ku wareejiyey wasaaradda Maaliyadda Galmudug.
• Wuxuu magaalada ka saaray qayb ka mid Malayshiyadii hubaysnayd, isagoo inta kalena u asteeyey xero lagu xareeyo laguna tababaro.
• Wuxuu wasiir Fiqi ka mabnuucay magaalada maandooyaha oo abuuray amnixumada magaalad.
• Wuxuu wasiirku wadaa abaabul iyo wacgelin dhalinyarada iyo waxgaradka magaalada.
Waxaan kale oo bogaadinayaa Xildhibaanada labada gole ee Federaalka iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda Galmudug ee ay ka mid yihiin Senotar Cabdi Qaybdiid, gen Gorod ee Gaalkacyo u jooga ka shaqaynta wanaageeda.
Haldoorka Mudug ee dhanka Galmudug waxaa ka mid ah Prof Shirwac oo ah nin aad u qiimo badan wax wayna ka qabtay wanaaga iyo horumarinta gobolka Mudug, haday noqon lahayd wado iyo haday noqon lahayd waxbarashada oo ah iftiinka nolosha.
Prof Shirwac wuxuu ahaa maamulahaygii dugsiga sare ee Kaasabobolaare, waxaana si gaar ah u saalaamayaa Wasiir Ahmed Moallim Fiqi oo aanu wadadhiganay Iskuulkaas.
WADASHAYN PUNTLAND IYO GALMUDUG

Waxaan kale oo amaanayaa wadashaynta dhexmartay Puntland iyo Galmudug, gaar ahaan kullankii wasiirka Arimaha Gudaha Puntland Mohamed Dhabancad iyo wasiirka Amniga Galmudug Ahmed Moallim Fiqi.

Waxaan si gooni ah ugu baaqayaa madaxweynaha dawladda Puntland Siciid Cabdulaahi Deni inuu wadashayn dhow la yeesho dhigiisa Galmudug, farana wasiiradiisa iyo hay’addaha amniga inay la shaqeeyaan dhanka Galmudug.
Waana in labada maamul oo gacmaha is haysta ay ka wadashaqeeyaan amniga guud gaar, ahaan kan magaalada Gaalkacyo iyo gobolka Mudug.
Dawladda Puntland waxaa quman inay wixii karaankeed ah ka taageerto maamulka curdinka ah ee Galmudug, waxaana ku jirta danta labada shacab iyo guud Soomaaliya.
Guulaysta soomaaliyeey







WQ Mahdi Yuusuf Dhuux

About The Author