Wasiirka Amniga Galmudug oo bilaabay qorshihii u horeeyay dib u soo celinta goobaha danta guud

30 May 2020 (Puntlandes) Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta kormeeray Guriga Haweenka magaalada Gaalkacyo oo xarun u aheyd xertii Sheekh C/weli Jaamac Yare oo labo sano ka hor weerar qarax ah ay ku qaadeen Al-Shabaab.

Xaruntan ayaa ka mid ah goobaha danta guud ee ay sanadihii u dambeeyay deganaayeen xerta Sheekh C/weli, waxaana Wasiirka Amniga Galmudug ku wehliyay kormeerkiisa Senator Cabdi Qeybdiid, Maamulka Gaalkacyo ee Galmudug iyo mas’uuliyiin kale.

Maamulka Galmudug ayaa la wareegay xaruntaas, iyadoo la dejiyay Ciidamo ka tirsan Booliska Galmudug.

Markii laga soo tago xaruntan, waxaa jira xarumo kale oo dhowr ah oo ahaa goobo danta guud, kuwaas oo gacanta ugu jiray shakhsiyaad gaar ah iyo maleeshiyo beeleedyo.

Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Fiqi ayaa dhowaan amar uu soo saaray waxaa uu ku faray in shaqsiyaadka degan iyo ciidamada goobaha danta guud inay isaga guuraan, si goobahaas dib loogu soo celiyo hey’adaha dowladda, si loogu fuliyo adeegyadii lagama maarmaanka ahaa.

Maalmihii u dambeeyay Wasiirka Amniga Galmudug ayaa ka waday magaalada Gaalkacyo howlo kala duwan oo amniga ah, gaar ahaan baraha koontaroolada ay horay u joogeen maleeshiyaadka oo lagu wareejiyay ciidamo Booliska.





Puntlandes.com

About The Author