Sawirro: Madaxweynaha Galmudug oo gaaray Magaalada Gaalkacyo

30 May 2020 (Puntlandes) Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta galinkii dambe soo gaaray koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee ay ka arimiso dawlad goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa afaafka hore ee dhanka koonfureed ee Magaalada kusoo dhaweeyay xubno ka mid ah labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka iyo qaar ka mid ah Xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan Baarlamaanka Galmudug.

Madaxweynaha oo qudbad ka jeediyay Garoonka Cabdullahi Ciise oo soo dhaweyn weyn loogu saamayay ayaa waxa uu sheegay in safarkiisu ahaa safar nabad iyo iskaashi islamaarkaana uu Gaalkacyo u yimid in uu dhageysto baahiyaha iyo tabashooyinka reer Gaalkacyo.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu Gaalkacyo u yimid inuu mudo joogo kullanana la qaato q<aybaha bulshada ee kala duwn.





Puntlandes.com

About The Author