Akhriso Madasha Xisbiyada Qaran oo soo dhoweysay go’aamadii Shirka Dhuusamareeb

23 July 2020 (Puntlandes) Madasha Xisbiyada Qaran ayaa soo dhaweeysay go’aanadii ka soo baxay shirkii Madaxda Dawlada Federaalka ah iyo dawladaha Xubnaha ka ah dawladda Federaalka oo xalay lagu soo geba-gabeeyay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.






Madasha ayaa sidoo kale ammaan weyn u jeedisay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo shacabka Galmudug martigelinta shirka madaxda dowlada federalka iyo dowlad Xubnaha ka ah dawladda Federaalka.

Qoraal ka soo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa loogu baaqay madaxda dowlada iyo kuwo Xubnaha ka ah dawladda Federaalka inay si dhab ah u fuliyaan go’aanadii ka soo baxay shirka Dhuusamareeb.

Madasha ayaa ka digtey in uu dalku galo firaaq dastuuri ah haddii aysan doorashadu ku dhicin waqtigeeda.




Hoos ka akhriso War Saxaafadeedka Madasha Xisbiyada Qaran

Puntlandes.com

About The Author