Daawo Madaxweynihii hore ee Puntland Dr Gaas oo ka hadlay go’aamadii ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb

23 July 2020 (Puntlandes) Madaxweynihii hore ee Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay go’aamadii ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb ee DFS iyo dawladaha Xubnaha ka ah dawladda Federaalka.




Madaxweynihii hore ee Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas “Dalkaani waa muhiim in uu galo doorasho la isla ogal yahay oo wakhtigeeda ku dhacda, si looga badbaado xasarad siyaasadeed iyo mid sharci”
Dr Gaas “haddii marka gudoomiyaha guddiga doorashooyinka, madaxweynaha iyo Baarlamaanku ay ku doodayaan dooarsho qof iyo cod ah waxba lagama qabo, ha qabtaan waqtigeedana ha ku qabtaan, mideeda kale dadka waxaa afka loogu tirayaa mar walba, wax wanaagsan baa loo sheegayaa oo maxay tahay, waxaa la leeyahy doorasho qof iyo cod ah , adaa wax dooranaya, oday wax dooran maayo, ergo wax dooran mayso, marka taas waxaa loo tarjumanayaa waxaa laga baxayaa 4.5, mana ahn waa been, maxaa yeelay kuraasta sidii baa loo qaybinayaa”
Dr Gaas “doorasho qof iyo cod ah waa inay ku salaysan tahay deegaan iyo dad ee aysan ku salaysnayn 4.5, intii la wado 4.5 ma jirto doorasho qof iyo caod ah”

Puntlandes.com

About The Author