Akhriso War saxaafadeedka Bulshada Rayidka “Golaha adeegga Garsoorka ee cusub looma marin waddo sharci ah”

31 July 2020 (Puntlandes) War saxaafadeed ay Isutaga Bulshada Rayidka Soomaaliyeed oo ka kala socda dhammaan dawlad gobaleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa waxa si adag uga digayaan sii socoshada lagu
tumanaayo sharciga dalka iyadoo laysku diyaarinaayo shirka Dhusamareeb 3.



Qoraal ay ka soo saareen magacaabintii Xukuumadda xilkeedu yahay sii haye ay ku magacawday Golaha Adeegga Garsoorka ayey ku sheegtay inay tahay magacaabistaasi mid sharciga dalka baalmarsan.

Bulshada Rayidka ayaa qoraalka ku tiri “Golaha adeegga Garsoorka ee cusub looma marin waddo sharci ah” sidoo kale waxay qoraalka ku yiraahdeen “Xukuumadda dhacday oo xilgaarsiin ah waxay fulin kartaa shaqada maamul maalmeedka ah ee dowladda. Balse awood umala laha magacaabid jagooyin waaweyn sida xubnaha maamulka Golaha Adeegga Garsoorka”

Puntlandes.com

About The Author