Alshabaab oo markii u horreysay ka hadashay khilaafka DFS iyo xil ka qaadistii Khayre

01 August 2020 (Puntlandes) Xarakada Alshabaab ayaa markii u horeysay ka hadlay khilaafka dowladda Federaalka Soomaaliya u dhaxeeya ee sababay in xilka laga qaado Ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Khayre.



Afhayeenka Alshabaab Cali Dheere ayaa farriin maqal ah oo uu soo duubay kana hadlayay Hambalyada Ciidda iyo xaalada guud ee dalka ayaa ku sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Khayre ay ku kala tageen waxa uu ugu yeeray “La dagaalanka diinta allaah oo ay heshiis ku ahaayeen”.

Cali Dheere ayaa tilmaamay in wax badan ay bulshada u sheegayeen inay dalkooda u daneynayaan, balse maanta uu soo baxay wajigooda dhabta ah iyo nin kasta danihiisa.

Cali Dheere ayaa yiri .“La dagaalanka diinta allaah oo ay heshiis ku ahaayeen kama dheefin wax aan is khilaaf iyo kala carar aheyn, wax badan bulshada u sheegayeen dad dalkooda u daneynaya maanta waxay la soo baxeen wajigooda dhabta ahaa, waana la daawanayaa sida midba midka kale u eedeynayo inuu danihiisa gaarka fushanaya, badankood baasaboor shisheeye ayay wataan, nin walba tikidkii uu ku dhoofi lahaa jeebka ayuu ku heystaa si uu dib ugu laabto halkii uu ka yimid”

Dhinaca kale Sheekh Cali Dheere ayaa soo hadal qaaday duqeyntii Mareykanka ay maalin ka hor ku dileen carruur degmada Jilib, waxaana uu xusay in Mareykanka u yaqaanaan carruurta ay dilaan saraakiil Alshabaab ah.

Puntlandes.com

About The Author