Sawirro-muuqaal: Madaxweyne Qoorqoor oo ka hadlay shirka Dhuusamareed ee 15ka August

Filed under: Wararka maanta |

05 August 2020 (Puntlandes)  Madaxweynaha Dowladda Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoorqoor oo maanta safar shaqo ugu amba baxay Dalka Turkiga ayaa hadlay shirka ay madaxda Dawladda Federaalka iyo kuwa Xubnaha ka ah u badansan yihiin magaalada Dhuusamareed ee 15ka August.

Madaxweyne Qoorqoor oo shir jaraa’id ku qabtay ayaa waxa uu caddeeyey ku adkeeyay in shirka Dhuusamareeb ku qabsoomi doonno waqtigii lagu ballamay.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Madaxda Dowladda Fadaraalka, iyo Dowladaha xubnaha ka ah, doorkii wacnaa oo ay ka qaateen qabsoomida shirarkii hore, isagoona ku baaqay in shirka 15 Agoostana si mugleh looga soo qeyb-galo una rejeeyey inuu ku dhammaado guul iyo is-afgarad.


Puntlandes.com