Daawo sawirrda sida degmada Bursaalax ugu diyaargarowday soo dhawaynta wafdiga madaxweynaha dawladda Puntland

Filed under: Wararka maanta |

05 August 2020 (Puntlandes) Shacabka iyo maamulka degmada Bursaalax ee gobolka Mudug ayaa si heer sare ugu diyaargaroobay soo dhawaynta wafdiga madaxweynaha dawladda Puntland mudane Siciid cabdulaahi Deni.

Madaxwewyne Deni ayaa booqasho taariikhi ah ku maraya Galbeedka gobolka Mudug ee degmooyinka Galdogob, Saaxo iyo Bursaalax, isagoo Bursaalax laga filayo maalinta berri oo ah Khamiis bisha AugustĀ  ay atahy 6da, 2020.

Degmada Bursaalax ayaa waxay tahay hooyadii isku tashiga Puntland, iyadoo ay shacabkeedu bilaabeen sanadkii 1999kii inay si isku tashi ah u horumarsadaan deegaankooda, waxayna awooda saareen waxbarashada, Biyaha, caafimaadka iyo qaybaha kale ee horumarka.

Sawiradii Saadaq Jabey


Puntlandes.com