Sawiro: Mamulka iyo ardayda Dugsiga sare ee Al-Najax Bosaso oo taageeray olalaha joojinta Qaadka

Gudoomiyaha la-dagalanka Qaadka Abuukar Cawaale Jaamac (Qaaddiid) oo afartii maalmood ee lasoo dhaafay kulamo ku saabsan ka hortaga qaadka ka waday magalada Bosaso ayaa maanta oo Axad ah booqasho gaaban ku tagay dugsiga sare ee Najah, halkaasoo uu kulan kula qaatay mamulka iyo ardayda iskuulkaasi.

Ugu horayntii mamulka Najax Bosaso Yaasiin Cabdiwaxaad Maxamed ayaa boggaadiyay wacyi galinta qaadka oo ka bilowday goobaha waxbarashada Bosaso, waxa kale uu sheegay ka mamul ahaan inay qaybtooda ka qaadan doonaan.

Ustaad Maxamed Khaalid oo ka socday Jaamacadda Bariga Africa Bosaso dhankiisa ardayda ku dhiirigaliyay inaysan marnaba ka daalin wacyi galinta la-dagalanka qaadka, waxa kale uu sheegay in lala dagaalamo nolasho oo meel wanaagsan la hiigsado si looga hortago aafooyinka qaadka.

Abuukar Cawaale gudoomiyaha la-dagalanka qaadka ayaa jeediyay khudbad nuxurkeedu u dhacayay in guud ahaan-ba la muujiyo sida looga xun yahay maandooriyaha Jaadka, oo hadda si weyn ugu faafay dalkeena hooyo, wuxuu Qaaddiid ardayda ku guubaabiyay inay dareenkooda suugaan iyo qoraal tayo leh ku muujiyaan isla markasna dowladda ka cod-sadaan in dalka laga mamnuuco qaadka.

Qaar ka mid ah Ardayda oo su’aallo ka waydiiyay Olalahan Qaadka ka hor imanaya ayaa ugu danbayntii balan qaaday inay xooga saari doonaan dadka qaadka cuna sidii looga wacyi galin lahaa, ardaydu waxay ku dhawaaqayeen erayo ay ka mid yihiin ”Qaadku ha dhaco, Qaadku Hantidii dadkeena ayuu dhameeyay ee ha la waay”.

Mamulka Gobalka Bari iyo kan degmada Bosaso ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay howlgalka ka dhanka ah Qaadka Soomaaliya la keeno.

 2 3 4 5 6 7  9 10 11 12 13 14

Olalaha la-dagalanka Qaadka Soomaaliya.
Qaaddiid2015@gmail.com
DHAMMAAD

About The Author