Sawirro: Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Qoorqoor oo gaaray Magaalada Jabuuti

02 Sept 2020 (Puntlandes) Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa galabta soo gaaray Magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti.

Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jabuuti ayaa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay madaxweynaha iyo wafdigiisa masuuliyiin kala duwan oo ugu horreeyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Jabuuti, wasiiro iyo xubno kale oo ka tirsan Dowladda Jibuuti, Danjiraha Jabuuti u fadhiya Muqdishu iyo masuuliyiin sare.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa booqasho rasmi ah kusoo gaaray dalka Jabuuti halkaas oo uu shirar muhiim ah ku yeelan doono.


Puntlandes.com

About The Author