Madaxweynaha Jubaland oo dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho

12 Sept 2020 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowlad Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa goordhow dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho kadib Safar uu Shalay ku tagay Magaalada Kismaayo halkaas oo uu kaga soo qaybgalay Aaska Allah ha u Naxariistee Gudoomiyahii Rugta Ganacsiga Jubaland.

Madaxweynaha ayaa Magaalada Muqdisho kaga qaybgali doona shirka Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah ee lagaga hadlayo sidii Dalka ay uga dhici lahayd Doorasho la isku raacsan yahay.

Dhinaca kale waxaa isna dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho madaxweynaha Galmudug qoorqoor oo shalay isna safar u aaday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Puntlandes.com

About The Author