Kheyre oo ku dhawaaqay in uu yahay Musharax Madaxweyne September 12, 2020

Raiisul Wasaarihii hore  ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa caawa si rasmi ah ugu dhawaaqay in yahay Musharax u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

War uu caawa soo saaray ayuu ku sheegay ka dib muddo uu waday wadatashiyo in uu ugu dambeyntii ku dhawaaqayo Musharaxnimadiisa.

 

Qoraal uu soo saaray ayaa siddaan qornaa:

Bismillah,

Walaalayaal, waxaan shaki ku jirin in labaatankii sano ee la soo dhaafay ay dawlanimadeennu hore u socotay, tallaabadeeduba ha gaabnaatee. Muddo xileedkii 5aad ee geeddi socodkaas, ummadda Soomaliyeed waxaan ugu soo adeegay mas’uuliyad Ra’iisul Wasaare. Xilkaas oo waxna lagu soo qabtay, Alle mahadii waxna laga soo bartay.

Hadda oo la sugayo hannaan loogu gudbo muddo xileed cusub ee dowladda Somaliyeed, waxaan fikir iyo talo wadaag dheer kaddib halkan idinkula wadaagayaa musharaxnimadayda jagada Madaxwaynaha JFS. Anigoo si dhab ah u fahamsan fursadaha iyo caqabadaha la xiriira hoggaaminta iyo waxqabadka dalkeennu u baahan yahay maanta iyo mustaqbalkaba, waxaan markale isu soo qaddimayaa in aan dadkayga ugu adeego si ay ku dheehan tahay karti, hufnaan iyo daacadnimo.

About The Author