Madasha Xisbiyada: “Madaxweyne Farmaajo waxuu ku tuntay Dastuurka Dalka Waxana uu curyaamiyay Baarlamaanka”

15 Sept 2020 (Puntlandes) Qoraal ka soo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa si weyn loogu dhaliilay Madaxweyne Maxamed CabdulaahI Farmaajo inuu ku tuntay dastuurka dalka isla markaana curyaamiyay howlihii baarlamaanka.

Kulan ay isugu yimaadeen Madasha Xisbiyada ayaa qoraal laga soo saaray kulankaa kadib waxaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu abuuray jahawareer siyaasadeed iyo khilaaf dabadheeraaday.

“Madashu waxa ay u aragtaa mas’uuliyad darro iyo kaligii talisnimo in dalku uu xukuumad la’aado muddo 53 cisho ah, dowladnimadiina uu gacanta ku urursaday Madaxweynaha si uu dano shaqsi ugu fushado.”ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saartay Madasha.

Ugu dambeyntii Madasha ayaa kulankan ka soo saartay baaq ka kooban saddex qodob.

Hoos ka akhriso qoraalka

Puntlandes.com

About The Author