Daawo Cosoble “Waxaa bilaabi doonnaa nidaam Soomaaliya Dowlad loogu dhisi doono, haddii…”

15 Sept 2020 (Puntlandes) Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo ah hoggaamiyaha Xisbiga Ileys ayaa sheegay inaan dalka lagu sii fiirsan doonin burburka ay dowladnimada wadanka ku wadaan madaxweyne Farmaajo iyo xulufadiisa.

Mr. Cosoble waxa uu si cad u sheegay in la bilaabi doono nidaam dalka loogu dhisayo dowlad dastuurka ilaalisa, iyadoo wixii haatan ka dambeeyay aan lagu sii eegan doonin ku takri falka awoodeed iyo sharci ku tumashada Mada

“anaga waxaa bilaabi doonaa nidaam Soomaliya Dowladda loogu dhisi doono oo aan ku fiirsan doonin Madaxweyne Farmaajo iyo teamka la jooga, qof uu farmaajo la sii joogi doono ma jirto iyo cid uu xoog ku xukumi doono” ayuu yiri Xildhibaanka.

C/ qaadir Cosoble Cali oo ka hadlayay kulankii madasha Xisbiyada Qaran waxa uu dhanka kale shaaciyay in mdaxweyne Farmaajo uu masuuliydeeda dusha u ridanayo burbur kasta oo yimaada, maadaama uu isaga iska xooray sharcigii dalka lagu dhaqayay.

”Madaxweyne Farmaajo wuxuu iska xooray Dastuurka sharci waxba kama rabo wuxuu shaqo ku leeyahayna aysan jirin hadii uu isag saas yeelo Umada kale hadii ay ku daysato oo sharciga iska xoorto oo nin waliba jidka soo istaago ha ogaado inuu eedeeda isaga qaadanaayo burbur kasto oo Soomaaliya ku yimaado inuu isaga qaadanaayo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaan Cosoble.


Puntlandes.com

About The Author