Sawirro-muuqaal: Ciidamada Booliska ee sida gaarka ah u tababaran oo dhawaan tababar loogu soo xiri doono Xerada Ciidamada Xorgoble

16 Sept 2020 (Puntlandes) Xerada Ciidamada Xorgoble ee degmada qardho waxaa ka socota qaban- qaabada xaflad loogu soo xiraayo Ciidamada Booliska ee sida gaarka ah u tababaran.

Xerada Xorgoble ayaa waxaa booqaday Wasiirka Maaliyadda ahna Gudoomiyaha gudiga Xasan Shire Cabdi, Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Gen Yaasiin Cumar Dheere, Taliyaha Ciidamada Booliska Gen Cabdiyare Xasan, Gudoomiyaha maxkamada sare Ciidamada qalbka sida ee Puntland Gaashale sare Maxamuud Cabdi Maxamed iyo Saraakiil kale.

Ciidamadan dhowaan lafilayo in loo xiro tababarka ay mudada qaadanaayeen ayaa ah Ciidamadii horay loo oran jiray Birmadka Booliska balse dib uhabayn lagu samayeey.

Qaban qaabada xaflada ayaa siwayn looga dareemayaa Xorgoble waxaana lafilaayaa in uu ka soo qayb gali doono Madaxwayne ku xigeenka Dawladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan.

Dawladda Puntland ee uu hoggaaminaayo Madaxwayne Dr Siciid Cabdulaahi Deni waa mid ka go’an tayaynta Ciidamada Puntland.


About The Author