Ciidan ka tirsan NISA oo ka cabanayay mushaar la’aan oo xiray waddo

16 Sept 2020 (Puntlandes) Ciidan ka tirsan Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa maanta sameeyay gadood ay ku cabanayaan mushaar la’aan, iyagoo muddo saacad ku dhow xirtay Taalada Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere illaa Isgoyska Jubba.

Sida wararku sheegayaan ciidamadan ayaa ahaa kuwo bilo ka hor tababar ku soo qaatay Dugsiga Tababarka Jen. Shirbow.

Ciidankan ka tirsan Nabadsugida ayaa saldhig ku lahaa garoonka diyaaradaha Dayniile, halkaasoo Hey’adda Nabadsugida ay geysay, waxaana ay isaga soo baxeen maanta gelinkii hore.

Wararka ayaa sheegaya in muddo 3 bil ah aysan qaadan wax mushaar oo ay ka maqan tahay xuquuqdooda.

Ciidankan oo watay gaadiidka dagaalka ayaa muddo u xirneyd wadada, iyagoo joojiyay dhaq dhaqaaqii gaadiidka ee wadadaas oo ku dhow Xarunta Taliska Nabadsugida Gobolka Banaadir iyo tan Xarunta Dhexe NISA ee Habar Khadiijo

Saraakiil ka tirsan NISA oo markii dambe ku soo baxay cabashadan ayaa ku guuleystay in ciidamadan ku qanciyaan inay joojiyaan xanibaada, isla markaana ay heli doonaan xuquuqdooda.

Puntlandes.com

About The Author