Sawirro: Wafdi Puntland ka socda oo kulan la qaatay Wakiilka Beesha Caalamka

17 Sept 2020 (Puntlandes) Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Maxamed C/qaadir Cismaan iyo Wasiiru- Dowlaha Madaxtooyada Jubaland Mr Xirsi Jaamac Gaani oo ka mid ah waftiga ay hoggaaminayaan Madaxwayne Siciid Cabdullahi Dani iyo Madaxwayne Axmed Maxamed islaan Madoobe ayaa kulan la qaatay Wakiilka Qaramadamidoobay u fadhiya Soomaaliya JIMES SWAN, Safiirka Uk Ben Fender, Safiirka Maraykan Yamamoto iyo Safiirka Mudowga Yurub Nicolas Berlange Martinez,

Labada Wasiiru-dawle kulankan waxaa ku weheliyay lataliyaha Madaxwaynaha iyo Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda Puntland Mr. Cisman Seed Celmi. Kulankan ayaa inti uu socday diirada lagu saaray kobcinta dhakhliga gudaha, dayn cafinta Soomaaliya, deeqaha aduunku ugu deeqo Soomaaliya, horumarka laga sameeyey dib uhabaynta hannaanka Maaliyada Puntland iyo arimaha Siyaasada Soomaaliya ee xiligaan taagan.

Kulan oo lahaa muhiimad gaar ayaa ku soo dhamaaday isfahan iyo xog wadaag.


Puntlandes.com

About The Author