Sawirro-muuqaal: Madaxweynaha Jubaland oo kulan la qaatay Xildhibaanada labada Aqal ee BJF ee laga soo doorto Jubaland

20 Sept 2020 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta kulan la qaatay, Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee laga soo doorto Jubaland.

Kulankan oo ahaa Qado sharaf uu Madaxweynahu u sameeyay Xildhibaanada, ayaa lagaga hadlayay Xaalada dalka, iyadoo sidoo kale Madaxweynaha uu Xildhibaanada uga warbixiyay Xaalada Jubaland.
Xildhibaanada ayaa Madaxweynaha uga mahad celiyay sida uu wakhtigiisa ugu huray in xal laga gaaro jihada ay Soomaaliya uga gudbayso wakhtigan adag.



Puntlandes.com

About The Author