Xildhibaanada Labada Aqal oo cod aqlabiyad ah ku ansixiyay heshiiskii hanaanka doorashada

26 Sept 2020 (Puntlndes) Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah oo ay ku yeesheen Xarunta Villa Hargeysa waxay ku meel mariyeen Heshiiskii siyaasadeed ee doorashada oo ay dhowaan Muqdisho ku gaareen Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Maamul Goboleedyada.

Hadalo kooban oo Xildhibaannada jeediyeen ka hor inta aan la ansixin waxay ka hadleen heerarka uu soo maray nidaamka doorashada, waxaana ay ku dhaliileen madaxda in aanay wax sabab ah keenin golaha, iyadoo Madaxweynaha muddo ku dheganaa doorasho qof iyo cod oo aakhirkii ka tanaasulay, markii culeysyo ku yimaadeen.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay in aan heshiiskan siyaasadeed waxba laga bedeleyn oo sidiisa loo dhaqan gelinayo.

Intaas kaddib Guddoonka ayaa amray in cod loo qaado, waxaana heshiiska ogolaatay 252 Xildhibaan, halka 2 Xildhibaan ay diiday, waxaa ka aamusay 1 Xildhibaan.

Guddoomiye Mursal ayaa ku dhawaaqay natiijada, waxaana uu caddeeyay in heshiiska siyaasadeed uu ansax yahay.

Puntlandes.com

 

About The Author