Sawirro: Shir wadajir ah ee Amniga gobolka Mudug oo Gaalkacyo ka qabsoomay

26 Sept 2020 (Puntlandes) Wasiirka Amniga Dawladda Galmudug Amb. Axmed M. Fiqi ayaa maantay shir guddoomiyey Shirka Amniga Gobolka Mudug oo ay ka soo wada qeybgaleen laba talis Boolis, Laba talis Sirdoon, Guddoonka maamulka Gobolka Mudug iyo labada guddoomiye ee degmada Gaalkacyo.

Shirka Amniga labada maamul ayaa daba-socda heshiiskii shirkii labada madaxweyne iyo wafdiyadii ay kala hogaaminayeen ay ku yeesheen Magaalada Gaalkacyo 26 – 27 Juun 2020, laguna heshiiyey; iskaashi dhanka amniga ah, xoojinta nabadaynta iyo dibuheshiinta iyo iskaashi dhanka horumarinta dhaqaalaha ah.

Qodobada iyo ajanadaha Shirka amniga ee maantay dhacay ayaa waxaa ka mid ahaa: Qiimayn lagu sameeyey saddexdii bilood ee u danbaysay ee iskaashigu dhexmaray hey’adaha amniga labada maamul ee PUNTLAND iyo GALMUDUG, qaabka ugu wanaagsan ee loo sii xoojin karo iskaashigaas heerka sare gaaray, iyo in tallaabooyin Wadajir ah laga qaado gaadiidka canshuuraha la baxsada iyo burcadda geela dhacda.

Gabagabadii Shirka ayaa waxaa la bogaadiyey horumarka laga gaaray amniga, iskaashiga iyo kalsoonida dhexmaray hey’adaha kala duwan ee maamulka iyo amniga Gobolka Mudug, ayadoo lagu heshiiyey; In bishiiba laba jeer kulamo heer gobol iyo degmaba ah la yeesho oo maamullada iyo hey’adaha amnigu ay ka soo wada qeybgalaan, isla markaana shir saddex biloodle ah la qabto kaasoo ay ka soo qeybgalayaan wasiirada amniga GALMUDUG iyo PUNTLAND.

Shirka ayaa waxgaradka iyo shacabka gobolka Mudug ugu baaqay In nabadda iyo xasiloonida la adkeeyo, lalana shaqeeyo hey’adaha amniga.


Puntlandes.com

About The Author