Sawirro: Wasaarada Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland shir lagula dagaalamayo kufsiga

28 Sept 2020 (Puntlandes) Shir is xog wayraysi ah oo ku saabsan kala warqaadasho iyo u kuurgalida arrimaha kufsiyada oo ay shir gudoominaysay Wasiirka   Puntland Marwa Aamina Cismaan Xaaji ayaa waxaa isugu yimid Hay’ddaha garsoorka Puntland sida Xeer illaalinta iyo Maxkamadaha, Wasaaradda Haweenka, laamaha amaanka sida Police-ka, Danbibaarista (CID), qaar ka mid ah Saldhiyada Booliska ee Garoowe, Community poliska, Hay’ada Forensig Lab-ka ee Puntland.

Kulanka oo lagu lafo-guray sidii loo dar-dar galin lahaa la-dagaalanka kufsiga iyo caqabadadaha ku xeeran ayaa waxaa la isla gartay in si wada jir ah looga wada shaqeeyo sidii sharciga loo horkeeni lahaa eedaysanayaasha lagu soo eedeeyo danbiyada kufsiga ah iyadoo la adeegsanayo Xeerka kufsiga Puntland.

Kulanka ayaa wxaaa ka soo qayb-galay Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Dawlada Puntland Mudane Nuur Ciise, Xeer illaaliye ku xigeenka Dawlada Puntland, Maxamed Xareed Faarax, Madaxa Community police-ka Gaashaanle Sare Ayaan Cabdulla Qorane, Taliyaha Danbi-baarista Putland Mudane Cismaan Cabdi Yuusuf (Maneene), Taliyaha Saldhiga Dhexe ee Garoowe Mudane Maxamuud Muuse (Fardafuul) iyo Madax ka socotay Hay’ada Forensig Labka Puntland.


Puntlandes.com

About The Author