Safiirka Maraykanka ee Somalia oo Ra’iisul Wasaare Rooble kala hadlay doorashada

28 Sept 2020 (Puntlandes) Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa qoraal kooban ka soo saartay kulankii shalay dhex maray Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Amb. Donald Yamamoto.

Kulankan ayaa looga hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, heshiiska doorashooyinka sidii loo fulin lahaa.

“Waxaa aad ugu faraxsanahay inaan u hambalyeyno Ra’iisul Wasaaraha cusub, xaqiijinta xilka Ra’iisul Wasaare”ayaa lagu yiri qoraal la soo dhigay barta Twitter-ka Safaaradda Mareykanka.

Sidoo kale Safaaradda ayaa caddeysay inay isku afgarteen Ra’iisul Wasaaraha in horay loo sii wado arrimihii horay loo sii waday sida dib u habeynta arrimaha dhaqaalaha, amniga iyo maamul wanaaga.

“Waxaan isku afgaranay ahmiyada ay leedahay in waqtiga doorashada lagu dhaqmo iyo hirgelinta heshiiskii doorashada, maamul wanaaga, iyo sii wadida dib u habeynta dhaqaalaha iyo amniga ayaa lagu yiri”ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Mareykanka.

Mareykanka ayaa waxaa uu kamid yahay dalalka taageerada weyn siiya Soomaaliya, sida Amniga, Dhaqaalaha, doorashooyinka iyo dhinaca gargaarka bani’aadanimo.

Puntlandes.com

 

About The Author