Sawirro: Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland oo hortagay Guddiga joogtada ah Golaha Wakiillada

28 Sept 2020 (Puntlandes) Shirka 4-aad ee Guddiga joogtada ah Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo uu shir Guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo ay wehliyaan ku xigeenka 1aad, ku xigeenka 2aad ayaa waxaa hor-yimi Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland.

Fadhiga maanta ee Guddiga joogtada ah oo uu hor-yimi Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Xassan Shire Abgaal ayaa wax laga weydiiyey cabashooyin ay Guddiga u soo gudbiyeen Hay’adda Horumarinta Waddooyinka DPL iyo Hay’adda Qandaraasyada iyo Iibka Dawladda Puntland.

Cabashooyinkaas oo ku saabsanaa in aysan helin khidmadihii loogu jideeyey xeerarka ay ku dhisan yihiin kuna fulin lahaayeen waajibaadkooda shaqo.

Wasiirka Maaliyadda ayaa faah-faahin ka bixiyey arrinta cabashooyinka ee la soo hor-dhigay, waxaana uu sheegay in aaney marna soo gaarin Xafiiskiisa wax cabasho ah oo ku saabsan Hay’adda Horumarinta Waddooyinka DPL, balse waxa uu xusay inay kulmeen Hay’adda Qandaraas-bixinta iyo Iibka Dawladda Puntland uuna ka qanciyey cabashadii ay ula tageen.

Wasiirku waxa uu Guddiga u xaqiijiyey inuu diyaar u yahay in uu ka qanciyo Hay’adaha ku shaqada leh cabasho kasta oo ay qabaan Hay’adaha kor ku xusan, ka dib waxaa Guddigu su’aalo ka weydiiyeen cabashooyinka ka soo gaarey Hay’adahaas.

Intaa ka dib Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil wuxu arrintaas u magacaabay Guddi ka soo talo-bixiya soona lafa gura, Guddigana warbixin ku soo celiya fadhiga 5-aad Haddii Alle idmo.


Puntlandes.com

About The Author