Sawirro: Duqa Muqdisho & safiirka Midowga Yurub oo kulan yeeshay

28 Sept 2020 (Puntlandes) Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Amb. Nicolás Berlanga Martinez.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay arrimo muhiim ah oo ay ugu horreyso xoojinta sidii loo dhaqaajin lahaa taageerida mashaariicda kala duwan ee ka socda caasimada.

Sidoo kale waxa ay diirada saareen arrimaha dhaqaalaha, dib-udhiska iyo horumarinta nolosha dadka Barakacyaasha ah.

Duqa Muqdisho oo kulanka ka hadlay ayaa Ururka Midowga Yurub uga mahad-celiyey taageerada uu mar weliba la garab taagan yahay gobolka Banaadir.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay muhiim yahay in la adkeeyo wada-shaqeeynta labada dhinac iyo caawinaada uu Midowga Yurub siiyo maamulka gobolka Banaadir.

Midowga Yurub ayaa ka mid ah ururada caalamiga ah ee taageera Soomaaliya, isaga oo dowladda federaalka ka caawiyo dhinacyo dhowr ah, sida dhaqaalaha & dib u dhiska dalka.

 


Puntlandes.com

About The Author