Puntland oo shaqo joojin ku samaysay Guddoomiyihii Ciyaaraha gobolka Karkaar

17 Okt 2020 (Puntlandes) Wasaaradda Shaqada, shaqaalaha, dhalinyarada iyo ciyaaradaha dowlada Puntland ayaa shaqadii ka joojisay guddoomiyihii dhalinyarada iyo ciyaaradaha gobolka Karkaar Guuleed Cabdirisaaq Nuur.

Warqad kasoo baxday wasaaradda ayaa shaqadii looga joojiyey Guuleed kadib markii lagu helay xushmad darro madaxda ugu saraysa Puntland, qabyaalad iyo kala qaybinta dhalinyarada iyo bahda ciyaaraha gobolka Karkaar.

Sidaas daraadeed wasaaraddu waxay xilkaas si kumeel-gaar ah ugu sii haynaya isku-duwaha wasaaradda shaqada, shaqaalaha, dhalinyarada iyo ciyaaraha gobolka Karkaar Maxamuud Abshir Maxamed.

Puntlandes.com

About The Author