Qaramada Midoobay oo ku baaqday in Saaxada Siyaasada Soomaaliya loo furo dadka oo dhan

23 Okt 2020 (Puntlandes) Qaramada Midoobay ayaa soo saartay war saxaafadeed ay ugaga hadlayso doorashooyinka dalka Soomaaliya, iyadoo Soomaaliya ay isku diyaarineyso inay doorashooyin ka dhaca.

Qaramada Midoobay ayaa maanta ifisay baahida loo qabo in la xaqiijiyo in saaxadda siyaasadeed ee dalka ay ahaato mid furan, oo oggolaanaysa in la muujiyo codadka iyo aragtiyada kala duwan taasoo qayb ka ah geeddi-socodka dimuqraadiyadda. Si taas loo gaaro, waa in la ilaaliyo xorriyadda hadalka, ra’yiga, iyo isu imaatinka ururka.

“Saaxad siyaasadeed oo firfircoon waa midda ogolaanaysa isla markaana dhiirigelinaya ka qaybgalka dhammaan qaybaha bulshada – shaqsiyaadka muwaadiniinta ah, warbaahinta, bulshada rayidka ah, hay’adaha dowliga ah, iyo xisbiyada siyaasadeed, iyo kuwa kaleba. Bulsho dimuqraadi ah waa inay ogolaato in si furan loo muujiyo aragtiyada kala duwan ee arrimaha siyaasadda, iyadoo xor ka ah xayiraad ama dhibaateyn, ”ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan.

Soomaaliya waxay horumar ka sameysay dib-u-habeynta maamulka dowladnimada sannadihii la soo dhaafay, haddana waa lama huraan in la sii ballaariyo saaxada siyaasadeed iyadoo dalku u diyaar garoobayo doorashooyin. Waxay si gaar ah muhiim u tahay in la maqlo codadka kooxaha taariikh ahaan la haybsooco,” ayuu raaciyay.

“Dimuqraadiyaddu way ka wayn tahay qabashada doorashooyinka; waxay sidoo kale ka dhigan tahay xaqiijinta in saaxadda siyaasadeed ee dalka ay oggolaanayso in dhammaan dadka ay ka qaybgalaan nolosha guud/dowladda.’’

Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay garowsan tahay in xorriyatul qowlka, fikirka, iyo isu imaatinku ay yihiin qiyamta udub dhexaadka u ah dimoqraadiyadda ee lagu xeeriyay Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha iyo Dastuurka Ku Meelgaarka Soomaaliya.

Qaramada Midoobay waxay diyaar u tahay inay la shaqeyso Mas’uuliyiinta,hay’adaha iyo bulshada rayidka Soomaaliyeed si loo ilaaliyo loona ballaariyo saaxadda siyaasadda ee Soomaaliya.

About The Author