Guddiga doorashada guddoonka baarlamaanka Hirshabeelle oo la magacaabay

31 Okt 2020 (Puntlandes) Guddoomiyaha kumeel gaarka ah (KMG) ee baarlamaanka maamulka Hirshabeelle Xildhibaan, Maxamuud Siyaad Barqadle ayaa magacaabay guddiga doorashooyinka guddoonka baarlamaanka maamulkaas.

Xildhibaan Yuusuf Sheekh Xasan Macalin Jeelle ayaa loo magacaabay Guddoomiyaha guddiga doorashada Guddoonka labaad ee baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Guddiga ayaa ka kooban sagaal xildhibaan waxeyna shaqadoodu tahay ka shaqeynta sidii loo qaba lahaa doorashada guddoonka cusub ee baarlamaanka Hirshabeelle.

Hoos ka akhriso

Puntlandes.com

About The Author