Sawiro: Madaxweynaha oo warqadaha aqoonsiga ka Guddoomay danjiraha cusub ee Norway

1844

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga ka guddoomey danjiraha cusub ee Boqortooyada Norway u fadhin doona Soomaalya Mr. Victor Conrad Rønneberg.

Madaxweynaha ayaa Boqortooyada Norway uga mahadceliyey talaabada ay danjirahan cusub ugu soo magacawdey Soomaaliya , oo uu sheegay inay sii xoojin doonto xiriirka labada dal.
“Aad ban kugu soo dhoweyneynaa dalka, waxaana kuu xaqiijinayaa in iskaashi buuxa iyo wadashaqeyn intaba aad ka heli doonto Soomaalida. Waxan kale oo aan Norway uga mahadcelinayaa taageerada ay nala garab taagan tahay oo muhiim u ah dib u dhiska dalkeena’’.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale danjiraha uga warbixiyey xaaladaha siyaasadda, nabadgelyada, horumarinta iyo adeegyada bulshada, isagoo xusey in wax badan la qabtey, waxyaabo kalena ay dhiman yihiin.
“Waxyaabo badan ayaa inoo qabsoomey , waxaana haatan ku jirnaa diyaargarowga sidii loo dhaqan gelin lahaa Hiigsiga 2016 , oo ay inaga go’an tahay inaan fulino.’’
Danjiraha cusub ee Norway Mr. Rønneberg ayaa isna kulankaasi ka sheegay in Norway ay sii kordhin doonto taageerada Soomaaliya, isla markaana uu jiro qorshe cusub oo Norway ugu talagashey barnaamijyada kala duwan ee horumarinta ee Soomaaliya lagu taageerayo.

“Imaanshahayga Muqdisho waxaa uu ka tarjumayaa sida aan u dooneyno balaarinta iskaashiga aan la leenahay Soomaaliya. Waxaan idin ka taageeri doonaa maareynta kheyraadka, xirfadaha kala duwan ee maamul wanaagga iyo dhinacyada farsamada, iyo weliba nabadgelyada iyo wax wada qabsiga”.

Kulankaasi waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Khaalid Cumar Cali iyo mas’uuliyiin kale.

Copy of unnamed (1)

unnamed

unnamed (1)

unnamed (2)

unnamed (3)

unnamed (4)

Puntlandes.com

About The Author